Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo goordhaw furmay iyo Qodobada looga hadlayo (Sawirro)

March 16, 2023

Waxaa goordhay xarunta madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed si rasmi ah uga furmay shirka golaha wadatashiga Qaran ee u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka ugu sareysa iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Shirkan waxaa goordhaw magaalada Baydhabo ka furay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka qeyb galaya Ra’isul Wasaaraha iyo madaxda maamul goboleedyada marka laga reebo maamulka Puntland.

Inta uu socdo shirka wadatashiga Qaran ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo xasaasi ah oo ay ka mid yihiin qaab dhismeedka amniga qaranka, hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed

Shirkan ayaana kusoo aadaya xilli xasaasi ah oo dalka ka socdaan howlgalo ka dhan ah kooxda Al Shabaab , waxaana shirkan sannadkan qaadacay maamulka Puntland oo horey u shaacisay in ay xiriirka u jareen dowladda federaalka.