Maxay Ka Wadahadleen Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo Safiirka Dowladda China?

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmad Firin ayaa la kulmay Safiirka Dalka China u fadhiya dalkeena, kulanka ayaana ka dhacay Xarunta Safaaradda China ee Magaalada Moqdisho.

Taliyaha ayaa Safaaradda China uga Mahadceliyey Taageerada ay la Garab Taagan yihiin Ciidanka Boliiska Soomaaoiyeed iyo Mashaariicda Tababarka ay ku saaciidaan.

Safiirka ayaa dhankiisa waxaa uu sheegay in dowladda China ay sii wadi doonto taageerada ay siiyo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku jia kasoo bashada dowlad la,aan muddo ah.

Dowladda China ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha ciidan Booliiska ka taageera mashaariicda dhanka hormarineed iyo tabarrada ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.