Dowladda Itoobiya oo shuruud la’aan ogolaatay Wadahadal ay la gasho Jabhadda Tigray.

Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay inay si shuruud la’aan ah ku ogolaaray waanwaanta iyo dhex-dhexaadinta Midowga Afrika ee uu ka dhex wado dowladda Itoobiya iyo Jabhadda TPLF oo dagaal ku dhex marayo Waqooyiga dalkaasi.

Sida uu baahiyey xafiiska xiriirka ee dowladda Itoobiya iyo la-taliyaha Amniga Qaranka Redwan Hussein, dowladda Itoobiya waxay caddeysay inay diyaar u tahay wadahadal ay la gasho Jabhadda Tigray.

“Dowladda Itoobiya waxay aqbashay martiqaadka wadahadallada nabadda, kaasoo waafaqsan mawqifkeena mabda’a ah ee ku saabsan in si nabad ah lagu xalliyo khilaafka iyo baahida loo qabo wadahadal aan shuruudo ku xirneyn” ayaa lagu yiri qoraalka xukuumadda Itoobiya kasoo baxay.

Midowga Afrika ayaa ugu baaqay dowladda Itoobiya iyo xoogaga Tigreega ee iska soo horjeeda inay wadahadal nabadeed ku yeeshaan waddanka Koonfur Afrika dhammaadka toddobaadkan, kaas ujeeddadu tahay in lagu soo afjaro colaadda laba sano jirsatay.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki ayaa qoraal u qoray Departition Gebremichael, oo hoggaamiya siyaasadeed ee Tigray, iyadoo labada dhinac ay hadda markii ugu horeysay aqbaleem inay is hor fariistaan.

Dowladda Itoobiya iyo madaxda gobolka Tigrayga ee waqooyiga dalkaasi ayaa labaduba sheegay inay diyaar u yihiin ka qeyb galka wadahadallada uu dhexdhexaadinayo Midowga Afrika, si loo soo afjaro dagaallada ay ku dhinteen kumannaan qof oo rayid ah.

Wadahadalka Dowladda Itoobiya iyo Jabhadda Tigray Waxaa hoggaamin doona madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo oo ah wakiilka Midowga Afrika ee Geeska Afrika, isagoo taageero ka helaya madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta iyo madaxweyne ku xigeenkii hore ee Koonfur Afrika Phumzile Mlambo-Ngcuka.