Xaaladaha ku wareegsan Shirka uu Xasan Sheekh ugu yeeray madaxda maamul Goboleedyada.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shir degdega isugu yeeray madaxda Maamul Goboleedyada inay ku yeeshaan magaalada Muqdisho 11-12 September 2022, kaasoo laga soo hormariyey shir qorsheynaa.

Shirkan Golaha Madasha Qaranka oo yimid kadib markii la isku mari waayey wadahadalkii Muqdisho uga socday Wasiirada Maaliyadda dowladda Federaaalka iyo Dowlad Goboleeyada ayaa la filayaa in xal looga gaaro khilaafka ka taagan qeybsiga dhaqaalaha dowladda Soomaaliya ka heshay Bankiga Adduunka, sidoo kalena looga hadlo arrimaha Amniga, wada-shaqeynta dowladda iyo maamul Goboleedyada.

Waxaa saaka iyo galabta magaalada Muqdisho soo gaaray Madaxweynayaasha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo K/Galbeed C/casiis Lafta-gareen, iyadoo la sugayo madaxda maamullada kale.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland uu ka baaqsaday shirka Muqdisho, taasi bedelkeedana uu khadka Internetka uga qeyb galayo shirka. Arrintan oo haddii ay dhacdo ayaa hoos u dhigeysa muuqaalka shirka iyo suurtagalnimada heshiis laga gaaro arrimaha waaweyn ee la isku hayo.

Arrimaha ugu adag ee shirka Madasha horyaalla ayaa waxaa ka mida: Dhaqaalaha iyo awood qeybsiga, Amniga iyo dagaalka Alshabaab iyo Wada-shaqeyna dowladda Federaalka iyo mamul Goboleedyada.

Xiriirka madaxweyne Xasan Sheekh iyo ugu yaraan laba ka mida madaxda Maamul Goboledyada oo kala ah: C/casiis Lafta-gareen iyo Siciid Deni ayaa si weyn hoos ugu dhacay, taasoo mar kale dibadda u soo saartay shakiga sii xoogeysanaya ee ka dhaxeeya Madaxweyne Xasan sheekh iyo Maamul Goboleeyada.

Xasan Sheekh ayaa ujeedkiisu yahay in shirka Muqdisho ee madaxda dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada uu qabsoomo ka hor inta aanu u safrin Xarunta New York ee Qaramada Midoobay, isagoo heysta taageerada maamul Goboleedyada.