Weerar lagu dilay dad ku sugnaa xaflad aroos oo ka socotay duuleedka degmada Afgooye.

Wararka ka imaanaya tuulada Cadayleey oo ka mid ah tulooyinka hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Sh/ hoose ayaa sheegaya in Xalay halkaasi rag hubeysan ay toogasho ka geysteen goob ay ka socotay xaflad aroos ah.

Ragga hubeysnaa ayaa lasoo wariyay iney rasaas ooda uga qaadeen dadkii ku sugna guriga uu ka jiray arooska, waxaana inta la xaqiijiyey dhacdadaasi ku dhintay ugu yaraan ilaa shan qof, islamarkaana ay ku dhaawacmeen sagaal qof oo kale, kuwaas  oo dhaawacyadooda la geeyey isbitaalka guud ee degmada Afgooye.

Dadka deegaanka qaarkood oo la hadlay warbaahinta ayaa waxay sheegeen in raggii hubeysnaa ee dhibaatada geystay ay ka baxsadeen goobta, iyadoo saacado kadibna ay halkaasi gaareen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo halkaasi ka sameeyay howlgalo ay ku baadi goobayaan dableydii hubeysneyd ee dadka shacabka ah ku laayay halkaasi, hayeshee lama sheegin dad ay u soo qabteen falkaasi.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa weerarkaan dadka shacabka ah lagu laayay, mana jirto wax war ah oo laa hadda kasoo baxay laamaha amaanka degmada Afgooye oo ku aadan dhacdadaan sida weyn Saakay looga hadal haayo degmada Afgooye iyo nawaaxigeeda.

Dhawaan ayay aheyd markii nin hubeysna uu weeraray goob sidaan oo kale ah oo ay ka socotay xaflad aroos ah oo ku taalay duuleedka degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, waxaana weerarkaasi uu sababay dhimasho iyo dhaawac gaaray dadkii ku sugnaa xaflada arooska aheyd.