Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Guddoomiyay Shir Looga Hadlayay Fatahaadaha Baardheere

March 28, 2023 

asiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalim Fiqi ayaa maanta shir Guddoomiyey shir ay isugu imaadeen Hay’addaha ka shaqeeyo arrimaha Bin’aadanimada oo looga hadlaayay xaalada Magaalada Baardheere oo dhawaan uu ku fatahay Wabiga Jubba.

Kulankaan waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle,La-taliyaha Istaraatiijiyada iyo Iskaashiga Mudane Maxamed Cumar Macalin,Madaxa isku-xirka arimaha gargaarka Soomaaliya ahna Ku-xigeenka madaxa Qaramada midoobay ee Soomaaliya Adam Abdul Mowla,waxaana looga hadlay Xaalada Baardheere iyo Sida dadka halkaas sameenta ka soo gaartay gargaar loo gaarsiin karo.

Masuuliyiinta ka qeyb-galay shirkan muhiimka ah ayaa ku balamay in la qabto shir balaaran oo xooga lugu saaraayo arrimaha biyaha iyo sidii xal waara loogu heli lahaa dhiibootooyinka ka dhasha biyo yarida iyo fataahadaha, ayidoo lugu balamay in ay Hay’adda SoDMA ay qaadato dowrka isku xirka.