Wadahadallo xasaasi ah Xasan Sheekh iyo Abiy Ahmed uga bilowday magaalada Addis Ababa.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya, halkaasoo uu uga bilowday safar shaqo oo muddo dheer dib u dhac ku yimid.

Waxaa Garoonka Diyaaradaha kusoo dhoweeyay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, waana Safarkii ugu horeeyay ee Xasan Sheekh ku tago Itoobiya intii dib loo doortay May 2022, iyadoo socdaalkan uu qorsheysnaa Bishii ugu horeysay, balse aan jawaab laga helin dowladda Itoobiya.

Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed oo xiriir dhow la ahaa Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lka qeyb galay caleemo saarkii Xasan Sheekh Sheekh, balse waxaa markaas kadib soo shaac baxday in Itoobiya aanay ku faraxsaneyn Dib u doorashada Xasan Sheekh.

Itoobiya waxay xiiro toos ah ah la sameysay Somaliland, Puntland iyo K/Galbeed, waxaana xaaladda uga sii daray socdaalkii Madaxweynaha Soomaaliya ku tegay dalka Masar.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu wadahadal la yeesho Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, waxaana horyaalla arrimo xasaasi ah oo ku sabsan xiirirka labada dal xilligan adag ee uu socdo dagaalka Alshabaab iyo dagaalka Gobolka Tigray.