UK:Waa Markii ugu horeysay Caddaanka oo lagala wareegay wasaaradihii muhiimka ahaa.

Xukuumadda cusub ee Ingiriiska ayaa taariikh cusub sameyssay, kadib markii xilalka ugu muhiimsan ay kusoo baxeen wasiiro aan caddaan ahayn oo kasoo kala jeeda Afrika iyo Aasiya.

Ra’iisal wasaaraha cusub ee Ingiriiska haweeneyda Liz Truss ayaa soo magacawday Gole Wasiiro oo ay safka hore ku jiraan saddex xubnood oo aan caddaan ahayn, waxayna kala yihiin.

1- Kwasi Kwarting: waxay waalidkiis ka yimaadeen dalka Ghana, sannadihii 1960-kii, waxaana loo magacaabay jagada Wasiirka (Maaliyadda), iyadoo ay tahay marki ugu horeysay ee xilkan uui uu qabto qof madow ah.

2- James Cleverly: ayaa loo magacabaay Xoghayaha Dawladda, waxay hooyadiis ka timid dalka Sierra Leone, halka aabihiis uu yahay caddaan British ah.

3- Soyla Braverman: waxay noqotay Wasiirka arrimaha gudaha UK, waalidkeed waxay ka soo jeedaan dallaka Mauritius iyo Kenya.

Saddexdan wasiir ayaa saaxiib dhow la ah Ra’iisal wasaare Liz Trus, xilligii ay ololaha ugu jirtay inay ku guulaysato hoggaanka xisbiga Conservative-ka, oo xukuumaddii hore ka ahayd wasiirka arrimaha dibadda.

Magacaabista wasiirada madowga ah ayaa ku soo beegantay, iyadoo hab dhaqanka xisbiga muxaafidka ah oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu ahaa inuu u kala saaro musharaxiintiisa Baarlamaanka qaab ku dhian midab.

Wasiirkii ugu horeeyay ee aan cadaan ahayn oo loo magacaabo dawlad Ingiriis ah waxa uu ahaa Paul Boateng, kaas oo sanadkii 2002-dii noqday xoghayaha Lacagta.