Turkiga oo saxiixay dalabkii ugu horreeyey ee iibinta daroonnada Bayraktar TB2 (Dal Muslim ah oo dalbaday).

Shirkadda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ee Baykar ayaa saxiixday heshiis ku kacaya $370 milyan oo Doollar (TL 6.95 bilyan oo Liire) si ay diyaaradda Bayraktar TB2 ee aan duuliyaha lahayn (UCAVs) ugu dhoofinayso dalka Kuwait, sida shirkaddu sheegtay.

Baykar Makina oo diyaaradahan sancaysa ayaa hadalkan ku sheegay barteeda Twitter-ka ee shirkadda. Qandaraasku wuxuu calaamad u yahay heshiiskii ugu horreeyay ee dhoofinta diyaaradahan ee lala saxiixday Bayraktar TB2 sanadkan 2023-ka.

Tirada heshiisyada dhoofinta ee loo saxiixay diyaaraddan dagaalka ee is wadda, ayaa dhanka kale, iminka tiro ahaan gaarey 28 xabbo.

Wada-hadallada Baykar iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Kuwait ayaa bilowday 2019-kii.

Dalku wuxuu doortay diyaaradaha Türkiye ee casriga ah, kuwaasoo dagaal lagu tijaabiyey oo sidaa magac uk sameeysay kaddib markii loo adeegsaday dhowr colaadood min Suuriya ilaa Ukraine.

Daroonkan ayaa jebiyey rikoodhka waqtiga ay daroonnadu hawada ku jiraan iyadoo duulaysey 27 saacadood iyo 3 daqiiqadood oo xiriir ah weliba iyadoo maraysa jawi aan fiicnayn sida heerkul sare iyo duufaanno dhexdooda.