Taliyihii NISA ee Gobolka Banadir oo ku dhaawacmay Hotel Hayat iyo waxyeelo soo gaartay..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa weerar qaraxyo ku bilowday oo Maleeshiyo ka tirsan Alshabaab caawa ku qaaday Hotelka Hayat ee magaalada Muqdisho.

Hotelka ayaa lagu beegsaday Qaraxyo is-miidaamin oo is xiga, waxaana gudaha u galay maleeshiyo Alshabaab ah oo rasaas ku furtay dadkii ku jiray Hotelka iyo kuwii ku sugnaa bannaankiisa, waxaana lasoo weriyey qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Cidamada Amniga ayaa xiray wadooyinka gala Isgoyska KM4, waxaana ay badbaadiyen dad badna oo ku jiray Hotelke iyo Hoteelada ku dhow ee Saxafi iyo Afrik, iyadoo weli ay socoto rasaas ay is weydaarsanayaan dableyda iyo Ciidamada Amniga.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Taliyihii Hay’adda NISA ee Gobolka Banadir Muxyadiin Warbac uu ku dhaawacmay Hotelka. Taliyaha ayaa dhowaan loo magcaaabay xilkaasi markii uu Agaasime Mahad Salad la wareegay.

Sidoo kale Saraakiil ciidan, Masuuliyiin iyo dad shacab ah ayaa la sheegay in dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen qaraxyada yo weerarka caawa lagu qaaday Hotel Xayaat.