Raila Odinga oo sheegay in uusan Aqoonsaneyn Madaxweyne Ruto iyo Xukuumaddiisa.

Hoggaamiyihii looga guulaystay doorashadii ka dhacday Kenya August sanadkii tagay Raila Odinga ayaa sheegay in aysan aqoonsanayn xisbigiisa dowladda ka jirta kenya ee uu maamulo Ruto.

Hoggaamiyaha Isbahaysiga Azimio la Umoja–One Kenya, ayaa isku soo bax ballaaran oo uu ku qabtay degmada Kamkunji ee ismaamulka Eastleigh ayaa sheegay in aysan marnaba aqbaleynin dowladda madaxweyne Ruto.

“Ugu horreyn, annagoo ah Azimio waxaan qaadacdnay natiijada doorashadii 2022. Ma aqoonsan karno mana aqoonsan doonno dowladda Isbahaysiga Kenya Kwanza,” ayuu yiri Mr Odinga.

Odinga ayaa carabka ku dhuftay in Ruto iyo saraakiisha kale ee xafiiska la joogta aysan aqoonsaneyn isbaheysigooda Azimio.

“Uma aqoonsanin Mr William Ruto in uu yahay madaxweynaha Kenya mana aqoonsanin dhammaan saraakiisha kale ee xafiiska la joogta.” ayuu yiri Odinga.

Hoggaamiyihii looga guulaystay doorashadii ka dhacday Kenya Raila Odinga ayaa dalbaday in dib loogu noqdo xogahii doorashada sanadkii hore.

“Waxaan dalbaneynaa in si deg deg ah loo joojiyo isku day walba oo uu Mr Ruto keligiis dastuurka ugu sharciyeynayo guddiga IEBC taas baddalkeedana shacabka Kenya loo fasaxo in ay wadatashi ka sameeyaan dastuureynta guddiga doorashada,” ayuu yiri Raila Odinga.

Isku soo baxa dadweyne ayuu sidoo kale ku cadeeyay in aysan qaadan doonin amarada ka soo baxa dowladda hadda jirta.

Siyaasigaan mayalka adag ayaa muddo 20 sano ka badan isku soo taagayay xilka madaxweynanimada dalka Kenya, isaga oo aan marna la dooran.