Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Jigjiga.

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa goor dhaweyd yimid magaalada Jigjiga ee Dowlad Degaanka Soomaalida.

Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Jigjiga kusoo dhaweeyay Madaxda u sarreeysa degaanka Soomaalida oo u horreeyo Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar.

Sidoo kale soo dhaweynta Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ka qayb qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Jigjiga sida Odayaal dhaqameedka, Hooyooyinka, Dhalinyarta iyo Axsaabta siyaasadda ee degaanka.

Wali lama ogaan sababta ka dambeysay booqashada Ra’iisul Wasaaraha ee magaalada Jigjiga, balse Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku sheegtay safarka Ra’iisul Wasaaraha mid ku salaysan sidii labada dowladood ay isaga kaashan lahaayeen arrimo dhawr ah oo ay kamid tahay la dagaallanka Kooxda Al Shabaab.

Waa markii u horreysay ee Ra’iisal Wasaare Soomaaliyeed uu Jigjiga yimaaddo, in kastoo Hadda ka hor xilligii dowladdii Cabdi Maxamuud Cumar uu magaalada Jigjiga yimid Madaxwaynaha hadda ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xilligaasna Madaxweyne ahaa, iyadoo Ra’iisal Wasaare Xamsena uu noqonayo masuulkii labaad ee yimaadda dowlad degaanka Soomaalida wixii ka dambeeyay isbaddalkii ka dhacay degaanka Soomaalida.

Imaanshiyaha uu Jigjiga ku yimid Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa kusoo hagaagaysa xilli muddooyinkii u dambeeyay aad loo hadal hayay booqashada Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, iyadoo bulshada magaalada Jigjigana aysan u kala hadhin soo dhawaynta wafdigan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdigiisa ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Bahirdar ee gobolka Axmaarada ee Itoobiya, halkaas oo uu kaga qeybgalay madasha Tana oo looga hadlayay amniga wadamada geeska Afrika.

Ra’iisal Wasaare Xamse ayaa inta uu ku sugan yahay degaanka Soomaalida, waxa uu booqan doonaa magaalooyin dhowr ah oo kamid ah dowlad degaanka Soomaalida.