Maxay yihiin masuuliyiinta Midawga Yurub ee la xiray ee loo haysto inay la shaqeeyeen ‘Qatar’?.

BRUSSELS – Garsoore u dhashay dalka Belgium ayaa Axaddii wuxuu dacwad ku soo oogay afar qof oo lagu eedeeyey inay lacag iyo hadyado ka heleen dal ka tirsan Khaliijka, si ay saamayn ugu yeeshaan go’aamada baarlamaanka Yurub, eedahaas ayaa noqday kuwo aad looga argagaxay.

Dacwad oogayaasha ayaa baadhay 16 guri oo ku yaalla Brussels iyaga oo gacanta ku dhigay lacag gaadhaysa illaa $631,800 Jimcihii. Tallaabadan ayaa qayb ka ah, baadhitaano lagu hayo lacago sharci darro ah iyo falal musuqmaasuq.

Lix qof ayaa markii hore la xidhay, hase ahaatee afar ka mida ayaa dacwad lagu soo oogay, halka la sii daayey laba qof oo ka mida lixda qof ee la xidhay, sida ay sheegeen dacwad oogayaashu. Illaa haatan lama magcaabin dadka loo haysto kiiskan.

Warbixin ay daabacday wakaaladda wararka ee AP ayaa lagu sheegay inkasta oo aan si rasmi ah loo magcaabin xubnaha dacwadda lagu soo oogayo haddana in wararka la helayo ay sheegayaan in ugu yaraan mid ka mida afarta qof ee dacwadaha lagu soo oogayo inuu yahay xubin ka tirsan baarlamaanka Midawga Yurub, halka xubin kalena ay hore uga tirsanaan jirtay baarlamaanka Midawga Yurub.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in ay muddo bilo ah ay ka shakisnaayeen, in dal ka tirsan wadamada Khaliijku inuu isku dayayo inuu saamayn ku yeesho go’aanada Midawga Yurub. Ilo xogogaal u ah kiiskan ayaa sheegay in dalka lagu eedaynayo kiiskan inuu yahay dalka Qatar ee haatan martigelinaya koobka adduunka.

Masuul u hadlay dawladda Qatar ayaa beeniyey eedaha loo soo jeediyey. Isagoo sheegay in nidaamka ay dawladda Qatar ula macaamisho hay’adaha dawliga ah iyo dalalka caalamku inay u maraan shuruucda caalamiga ah.

Baarlamaanka Midawga Yurub ayaa sheegay inay dhammaadkii toddobaadkan ay hakiyeen awoodaha iyo waajibaadka mid ka mid ah ku xigeenadooda oo u dhalatay dalka Giriiga, kaas oo lagu magcaabo Eva Kaili, iyada oo la raacayo baadhitaanka uu wado dalka Belgium.

Xisbiga hantiwadaaga ee Giriiga ee lagu magcaabo PASOK ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay inay Kaili ka saareen xisbigooda.

Illaa haatan ma cadda in Kiali lagu soo oogay wax dacwad ah, sidoo kale xafiiskeedu kama jawaabin telefoonada.