Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta oo Kulan La Qaatay Wafdi Ka Socday Swedish International Development Agency.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa Maanta xarunta dhexe ee Hey’adda Kulan kula qaatay Wafdi sare oo ka socday Hay’adda Iswidhishka ee horumarinta caalamiga ah (SIDA) Swedish international Development Agency.

Wafdigaan waxaa hoggaaminayey Annna Saleem Högberg oo ah Madaxa Hay’adda ee Soomaaliya, waxaana soo dhaweyn kadib ay kulan la qateen Guddoomiye Maxamuud macalin abdulle iyo masuuliyiinta kale ee Hey’adda Maareynta iyaga oo ka wada hadlay xaaladihii ugu danbeeyey ee dalka, arimaha la xariira hawlaha bini’aadannimo, gurmadka deg-deg ah ,abaraha iyadoo masuuliyiintaan dhankooda balan qaadeen in Hey’adda ay ka taagari donaan qalabeenta xarunta qaran ee gurmadka deg degga ah.

Kulanka kadib Masuuliyiintaan ayaa si wada jir ah u kormeeray qeybaha kala duwan ee xarunta dhexe ee Hey’adda Maareynta,waxaana intaas kadib Guddoomiyaha Hey’adda mareynta iyo masuuliyiintaan booqasho ku tageen xarunta qaran ee gurmadka deg degga ah (NEOC) oo dhowr bil ka hor xarigga laga jaray iyaga oo kormeer ay ku sameyeen kadib halkas ka sameeyey dhir beeris.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiiboyinka Mudane Maxamuud Macallin Abdulle ayaa uga warbixiyay howlaha la taaban karo ay Haydda SODMA Qabatay bilaha aadka u yar , kagana mahadceliyay si guud dowlada Sweden howlaha ballaaran ay dalka ka qabteen ay ugu horeeyaan mashaariicda Hormarinta, gargaarka, si qaas na ugu mahadnaqay Madaxda Haydda SIDA si wacan ay ugu taageereen dowlda soomaaliya dhisida xarunta qaran ee Howlkalka Gargaarka Degdega NEOC oo ay dhawaan dhisamheeda soo dhamaaday.