Faahfaahin: Taliyihii Ciidamada Booliska G/Banaadir Faarax Qaroole oo Qarax lagu dilay.

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Qarax lala beegsaday lagu dilay Taliyii Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Qaroole.

Taliyihii ciidamada Booliska ee Gobolka Benaadir Jeneraal Farxaan Maxamuud Aadan (Farxaan Qaroole) ayaa lagu dilay qarax ka dhacay agagaarka degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe.

Gaariga Taliyaha ayaa la sheegay in Qarax Miino lala eegatay xilli uu hoggaaminayey ciidamo isugu jira NISA iyo Booliska Haramcad oo saaka weerar ku qaaday degaano hoos taga Degmada Balcad iyo Afgooye.

Qaraxa lagu dilay Taliye Farxaan Qaroole waxaa sidoo kale dhimasho iyo dhaawac kasoo gaaray ciidamo ilaalo u ahaa, waxaana geeridiisa xaqiijiyay saraakiisha ciidamada dowladda.

“Ilaahay ha unaxariistee waxaa ku shahiiday howlgal lagula dagaalamayay khawaarijta saakay 11:30 am S/Guuto Shahiid Farxaan Maxamuud Aadan (Taliyihii Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir ee CBS), Howlgalka ayaa Ciidama Amaanku uga sifeynayaleen Argagixisada xuduuda deegaan ee Gobolada Banaadir, Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha hoose” ayaa lagu yiri Qoraal uu soo saaray Afhayeenka Booliska Saadiq Doodishe.

Geerida Farxaan Qaroole ayaa ka dhigan jug weyn oo soo gaartay ciidamada dowladda, iyadoo Dagaallo culus ay ka socdaan gobollada dalka, waana sarkaalkii ugu sareeyay ee ay Alshabaab ku dilaan dagaalka socda billihii ugu danbeeyay.