{DAAWO SAWIRADA} Xildhibaano Ka tirsan BFS iyo Masuuliyiin ka socotay Hirshabelle oo Ku guuleystay Xalinta Xiisad ka Taagneed G,Hiiraan-

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte, Wasiiro ka tirsan Maamulka Hirshabelle, Saraakiil Ciidan, Xillibaano ka tirsan Federalka, Odayaal dhaqameedyo, Maamulada Degmooyinka Matabaan iyo Guriceel oo kulan ku yeeshay Degaanka Dabayoodleey ayaa xal ka gaaray Dilal xalay loo geystay 2 Askari oo ka tirsan Ciidamadda Dowladda iyo 2 qof oo shacab ah.
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte ayaa sheegay in isaga oo ku hadlaya Afka masuuliyiinta Hirshabelle ee kulanka ka qayb galay in Dowlad Goboleedka Hirshabelle ay bixineyso dhamaan magta 4 ta Ruux ee la dilay madaama uusan aheyn Dilal ku saleysan aanooyinka qabiil ee horey u dhici jiray.

Xildhibaan Maxamed Cabdulaahi Buraale oo ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya qeybna ka ahaa Xalinta shaqaaqada xalay iyo maanta ka dhacday inta u dhaxeeyso Dagmooyinka Maxaas iyo Matabaan oo ka wada tirsan Gobolka Hiiraan,

Waxaan maanta gaarnay Degmada Matabaan anagoo u tagnay xalinta shaqaaqo ay ku dhinteen 4 ruux nawaaxiga Matabaan, dilalkaas haddii ay sii socdaan oo culeys ku noqon kara howlaha xoreynta Alshabaab, nasiib wanaag waxey ku soo dhamaatay is af garad lagu dhameeyay dilalkii dhacay.

Waxaan u mahad celinaa si guud masuuliyiintii kawada qeyb qaatay xalinta dilalkii dhacay waxaan si gaar ah ugu mahad celinaa Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo qaatay masuuliyadii waxii dhacay oo dhan.

Beelahaas walaalaha ah oo beryahaan dagaalka hal saf kuwada jira markii ugu horeysay muda 30 sano ah kadib waxey keeneysaa in laga guul gaaro xoreyntaa deegaanadooda :-ayuu yiri Xildhibaan Buraale.