Daawo: Madaxweyne Xasan oo go’aan adag ka qaadatay qadiyadda Somaliland.

 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo jaaliyadda Soomaaliyeed kula hadlayey magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa ka hadlay waxa laga yeelayo gooni isku taagga maamulka Somaliland.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inay ka go’an tahay inaysan marnaba aqbalin doonin in Somaliland ay ka go’do Soomaaliya.

“Annaga gooni isku taag nooc walba oo uu noqdo ma aqbaleyno, qaab kasta oo uu ku yimaado haddii ay ahaan laheyd dhaqaale ama horumarin, si cad ayaan u sheegeynaa ma ogolaan doono,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu hadalkiisa sii raaciyey “Anaga ma qarineyno, walaalaheen ma ogolin gooni isku taag, midnimo ayaa na deeqda, waxaan diyaar u nahay wada-xaajood iyo in wax walba lagu dhammeeyo isfaham.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Somailand ay u ogol yihiin inay ayaga xataa soo diyaariyaan qaabka loo heshiinayo iyo qodobada heshiiska, balse wuxuu ugu baaqay inay iska iloobaan fikradda gooni isku taagga oo uu ku tilmaamay mid dhaawaceyso midnimada Soomaaliya.

“Qaab loo midoobayo iyo qodobada heshiiska dhankooda haka yimaado, xujo ugama dhigeyno inaan anaga qaabka loo midoobayo soo diyaarinayo, kaliya qaabka ay rabaan ayaan la fiirineynaa oo wax yar ka saxeynaa,”  ayuu mar kale yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn sheegay in marka hore ay muhiim tahay in la isku afgarto in dib loo midoobo kadib oo gudbo wixii farsamo ah.

“Marka ugu horeyso waa inaan isku afgarano waa midoobeynaa, kadib waxaa imaaneyso sidee u midoobeynaa, taasna waan ka heshiineynaa intey rabto ha qaadato xataa 10 san, inta laga gaarayana waxaan sameysaneynaa qaab aan kusii wada-shaqeyno,” ayuu hadalka kusoo gabagabeeyey.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intii uu ku jiray ololaha doorashada wuxuu ballan qaaday inuu ka miro dhallin doono wada-hadallada lagula jiro Somaliland.

Somaliland ayaa 18-kii bishii May ee 1991-dii, ku dhawaaqday in ay gooni isaga taagtay Soomaaliya inteeda kale.

Shirar ka dhacay magaalooyinka Burco iyo Boorama oo ay ka qayb galeen wax garadka gobollada Waqooyi oo isu jiray qaybaha kala duwan ee bulshada sida oday dhaqameedyada, culimada diinta, aqoonyahannada, ganacsata iyo siyaasiyiinta ayaa ku dhawaaqay go’aanka gooni isu taagga ah.