Cali Jeyte oo furay Safarkii ugu horeeyay oo dhulka ah magaalooyinka Beledweyne iyo Buuloburte.

Kolonyo ka kooban mas’uuliyiin, odayaal iyo ciidamo wehliya ayaa safarkii ugu horeeyay ee dhulka ah maanta ku tegay magaalada Buuloburte, iyagoo ka tegay xarunta magalada Beledweyne.

Kolonyadan waxaa safar dhulka ah ku gaartay magaalada Buuloburte waxaa hoggaaminayay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, waxaana si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Buuloburte oo muddo ka badan 10 sano u go’doonsaneyd Alshabaab.

Safarkan oo ahaa kii ugu horeeyay ee mas’uuliyiinta iyo odayaasha degaanka u kala socdaan Beledweyne iyo Buuloburte ayaa ymid, kadib dagaal muddo u dhaxeeyay Alshabaab iyo ciidamada dowlada oo kaashanaya maleeshiyada degaanka.

Ciidamada dowladda iyo ciidamo maleeshiyaad beeleed ayaa xoog kula wareegay deegaano badan oo ka mida gobolka Hiiraan, ciidankan ayaana go’doonkii ka qaaday degmada Buulo Burte iyo deegaano kale .