Lionel Messi ayaa dalkiisa u qaaday Koobkii Adduunka ee saddexaad.

Lionel Messi ayaa dalkiisa u qaaday Koobkii Adduunka ee saddexaad ee abid dalkaasi ku guuleysto iyaga oo rikoodheyaal ku garaacay Faransiiska ciyaar socotay 120 daqiiqadood oo goolal lix gool la iskugu jawaabay ka hor intii aan rikoodheyaasha la tuuranin.
FIFA ayaa maalmaha soo socda guddoonsiin doonta xidhiidhka kubadda cagta Argentina lacag gaadhaysa £34.5 milyan oo Gini, waana lacagtii ugu badnayd ee abid ay FIFA siiso dal ku guuleystay Koobka Adduunka, iyaga oo £3 milyan oo Gini dheer lacagtii la siiyey Faransiiska markii ay sannadkii 2018 ku guuleysteen Koobkii Adduunka ee lagu qabtay Ruushka.

Xulka kaalinta labaad ku dhamaystay ee France ayaa iyagana ay FIFA siin doontaa £24 milyan oo Gini, waxaanay toban milyan ka hoosaynayaan guuleystaasha reer Argentina, halka Croatia ay iyaduna noqonayso dalka saddexaad ee lacagta ugu badan ay FIFA u shubayso, waxaanay heli doonaan £21 milyan oo Gini.
Morocco oo kaalinta afraad ka gashay Koobka Adduunka ayaa ah dalka afraad ee lacagta ugu badan ay FIFA siin doonto, waxaanay heli doonaan £14 milyan oo Gini, balse waxay iyaguna ka lacag badan yihiin xulalka Portugal, England, Brazil iyo Netherlands ee ku hadhay wareeggii siddeedda, kuwaas oo la siin doono lacag £3 milyan oo Gini ka yar inta ay FIFA u shubayso Morocco.
Siddeed waddan oo kale oo iyaguna ku hadhay wareeggii 16ka oo kala ah Switzerland, Spain, Poland, Senegal, South Korea, Japan, Australia iyo Maraykanka, ayaa iyaguna helaya lacago la mid ah inta la siiyey kooxaha wareeggii siddeedda kusoo hadhay ee Brazil, Portugal, England iyo Netherlands, waxaana dal walba ay FIFA siin doontaa min £11 milyan oo Gini.
16kii xul ee ku hadhay wareeggii koowaad ee Group-yada oo kala ah Ghana, Serbia, Cameroon, Canada, Costa Rica, Denmark, Tunisia, Saudi Arabia, Mexico, Iran, Ecuador, Qatar, Belgium, Germany, Wales iyo Uruguay ayaa iyagana ay FIFA siin doontaa min £7 milyan oo Gini.