Hambalyo hormaris ah wasiir Saciid Jaamac Cali Qorsheel oo safka hore kaga jira Liiska golaha wasiirsda Ee bari lagu dhawaaqi doono

Kabtankii hore qaranka kubadda Kolayga Soomaaliya iyo kooxdii Jeenyo.
wasiir Saciid Jaamac Cali ayay taariikhdu xusaysaa inuu ka mid ahaa ciyaaryahannadii iyo tababarayaashii ugu qiimaha badnaa ee soo mara ciyaaraha kubbadda koleyga ee dalkeena Soomaaliya. Kooxdiisa kubbadda koleyga ee caanka ka ahayd Afrika Iyo dalalka Carabta Jeenyo Ama shantii (5) tii Jeenyo ayuu hormuud u ahaa, isaga oo ka ciyaari jiray daafaca . sidoo kale waxaa uu ahaa tababare ay aad uga muuqatay aqoontiisa ciyaaryahannadii uu soo barbariyay ama uu gacanta ku soo dhigay.
wasiir Saciid Jaamac Cali Sida taariikhdu xusayso marka laga hadlayo ciyaarta kubbadda koleyga ee Soomaaliya, Saciid Qoorsheel waxaa uu ka mid ahaa ciyaaryahannadii ama halyeeyadii ugu horreeyay ee magaca Soomaaliyeed gaarsiiya Caalamka Carabta iyo Afrikaba. Saciid Qoorsheel waxaa uu ka mid ahaa tiirarka ay ku dhaaran jireen kooxdiisa Jeenyo oo uu kaalin wayn uga jiray, sidoo kalena waxaa uu ahaa xubin muhiim ah oo ka tirsanaa xulka qaranka.
Ka dib markuu ka fadhiistay ciyaaaraha Saciid Qoorsheel waxaa uu u wareegay dhanka tababaranimada, waxaana uu ahaa tababare aqoontiisu aad u sarreysay, guulo badanna u horseeday kooxdiisa Jeenyo iyo xulka qarankaba.
Saciid Qoorsheel hada Waa Siyaasi Wasiir Soo noqday howl fiican ka qabtay dowladii uu ka tirsanaa,hada waxaan u rajeyneynaa in uu ka mid noqdo dowlda Cusub oo hada la dhisaayo.
Wasiir saciid khoorsheel Soo dhaweeya Wasiirada Cusub oo hada la dhisaayo, HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO SACIID.