Arag liiska xiddigaha caalamiga ah.

As the year 2022 prepares to come to an end, there have been some athletes who can look back and call it a very successful year – especially after looking at their bank accounts
Waxaa soo baxay liiska 10-ka laacib ee sanadka 2022 ugu mushahar badnaa dhammaanba ciyaaraha caalamka.
Kaliyana maaha in Lionel Messi uu ku guulaystey Koobka Adduunka sanadkan, isaga oo dhammaystiray billaddii ka maqnayd koobabkiisa, balse waxa uu sidoo kale kaalinta koowaad kaga jira liiska ciyaartooyga ugu mushaharka badan sannadkii teget ee 2022 – waxa uuna ka sarreeyaa Cristiano Ronaldo.
Labaduba waxa ay sanadkii tegey soo mareen xaalado xusuus leh – sababo aad u kala duwan dartood – Messi waxa uu dalkiisa ku hoggaamiyey inay ku hantaan Koobka Adduunka.
Ronaldo, dhanka kale, waxaa loo dhaadhiciyey kaalin qaybeed uu ka biyo diidey ilaa markii dambe la fasaqo qandaraaskiisii Manchester United oo uusan noqon laacib xor ah.
Yeelkeede, inkasta oo uusoo maray sanad aad u qaxar badan, misna xiddigga reer Portugal ayaa weli ku jira kaalimaha sare ee liiska xiddigaha ugu mushaharka fiican waxana uu ku jiraa kaalinta saddexaad, sida laga soo xigtay Forbes.
Waxa uuna ka sarreeyaa rag ay ka mid yihiin Neymar iyo Roger Federer laakiin waxa uu ka dambeeyaa LeBron James iyo Leo Messi oo ah ninka uu isku dhereriyo, balse wixii ka bilowda sanadka maanta bilowday ee 2023 waxaa horrayn doona Ronaldo.

LIISKA BUUXA EE 2022

  1. Giannis Antetokounmpo – NBA – Milwaukee Bucks – £67.12 million
  2. Tom Brady – NFL – Tampa Bay Buccaneers – £69.61 million
  3. Canelo Alvarez – boxing – Mexico – £74.67 million
  4. Roger Federer – tennis – Switzerland – £75.25 million
  5. Kevin Durant – NBA – Brooklyn Nets – £76.41 million
  6. Steph Curry – NBA – Golden State Warriors – £76.99 million
  7. Neymar – football – PSG/Brazil – £78.81 million
  8. Cristiano Ronaldo – football – unattached/Portugal – £95.41 million
  9. LeBron James – NBA – LA Lakers – £100.55 million
  10. Lionel Messi – football – PSG/Argentina – £107.9 million