LUQADDA – KHADKA UGU MUHIIMSAN Qeybtii 3aad

 EE GUDBINTA HIDAHA DHAQAMEED EE AAN LA TAABAN KARIN .

LUQADDA – KHADKA UGU MUHIIMSAN

 EE GUDBINTA HIDAHA DHAQAMEED EE AAN LA TAABAN KARIN

Astaanta ilbaxnimadu waa heerka ay dadku ka sare mari karaan tafsiirka erayada (Litteral interpretation) ee nolosha oo ku saabsan fikirka aan la taaban karin (Abstract thought).

 Erayada ama hadallada Sarbeebta ah ee ku jirta murtida iyo maamaaha afka hooyo waa dhaxal aad u qani ah qiima weeyna leh.

Bulshooyinka ee waddamada horay u maray waxay lumiyeen hodantinimada fekerka (Richness of thoughts) ee ku dhex jiray sheekooyinkooda, maahmaahyadooda iyo dhaqanka afkooda.

Tan iyo bilowgii wakhtiga tadawarka bini-aadmiga  dhaqanka afka (Oral Tradition) waxa uu ahaa qayb nafsiyeed (psychological component) oo lama huraan u ahaa korrimadooda.

Kartida lagu wada xiriiro ama lagu fahmo luqadda sarbeebta ku qotonta waa mid ka mid ah hantida ugu wayn ee aynu dad ahaan u leenahay.

Waa mid ka mid ah awoodaheena,  bulsho ahaan, weli…… ma ayanan gebi ahaanba lumin…..………wali nasiib wanaag.

Nasiib wanaag weli waxay ku harsantahay  isticmaalkeena af-soomaaliga.

Luuqadda waxa lagu tilmaamay inay tahay kaydka xusuusta; waxa kale oo ku jira luqadda mabaadi’da falsafadeed, qiyamka, iyo dareenka kaftanka (sense of humor) ee dadka.

Luqadda waxay aasaas u tahay dareenka nafsadda ee dadka (It is fundamental to a people’s sense of themselves).

Waxaan horay u niri:

“Xusuustu waa goobta riyadaha (dreams), iyo rabitaanka.

Marka aynu leenahay qofka waxa ka luntay xasuustiisa, waxa aynu ka hadlaynaa in ay dhab ahaantii lumeen raadadkaas shakhsiga ah ee macno wax ku ool ah u samaynaya waxa isaga ku dhacaya ama uu la kulmay. Dagaallada sokeeye, xadhigga, jirdilka iyo tahriibka ayaa beddela ama jebiya xusuusta. Waayo qofna ma jecla in uu xusuusto xumaha uu la kulmay ama ku noolyahay.  Haddii goobta riyooyinka, rabitaanka, sawirka, miyir-qabka, ay tahay xusuusta, meeday goobta xusuusta lafteeda? Waa maxay goobta xusuusta?”

Xusuusta waxaay ku nooshahay “LUQADDA” , oo “LUQADDA” waa goobta aay xusuustu ku nooshahay. (“Memory lies in Language”)

Maanta waxaa ina soo food saartay dhibaato aad u baaxad weyn oo aynu ku ilaalinayno xasuusteena ummad ahaan.

Soomaalidu waxay ku qasbanaatay inay bartaan luqadaha dalal badan oo kala duwan oo looga hadlo waddamada ay degeen oo magangelyada siiyay .

 Sidaasi awgeed waxaay ku hadlaan luqadaha kala duwan ee dalalkaasi, marka aynu ka fikirno jiilasha dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku koray dalka dibadiisa oo ay ku adag tahay in ay afkooda ku hadlaan oo xataa waalidkooda ay luqadda hooyo u isticmaalaan  inta kaliya oo guriga la joogo ama marka ay la hadlayaan Soomaalida kale.

Caruurta Soomaaliyeed ee waddamada dibadda ku dhalatay kuna barbaartay af Somaaliga waa u af ajnabi, waayo wuxuu si joogta ah u isticmalaa waxna ku bartaa luqadda waddanka u ku noolyahay.

Waddanka Soomaaliya gudihiisa af Somaaligu wuu ku sii daciifayaa sababo la xiriira in goobaha wax barashada ay culayska saareen afafka kale sida Ingiriiska iyo Carabiga.

Ku hadla luqadaha kale waxaay muujinaysaa kartideena iyo awoodena dhexgalka unmadaha dunida nagula nool, dabcan afka Carabiga oo ah luqadda diinteena waa qeeyb ka mid ah dhaqankeena, su’aasha taagan ayaa ah maxaa dhacaaya oo naga lumaaya  haddi aynu lumino afkeena Soomaaliga ah?

Afkaaynu ku hadalno waa udub dhexaadka dhaqankeena, haybteena, iyo nafteena Soomaalinimo, waana udub dhexaadka iyo nuxurka koowaad ee dhaxalka aan la taaban karin.

Luuqaddeenna Soomaaliga ah , waxaay  ka dhalata waaya-aragnimadeena nolosha qarniyo badan, waxay ka tarjumaysaa fikirka maskaxdeena… kaftankeena…. xikmaddeena…. naxariisteena…. Qiyamka aan barno carruurta…. xiriirka aan la leenahay bii’adeena, dhulka…. badda…. Xidhiidhka aan la leenahay geela….dabeecadda dadnimadeena sida : xariifnimada…. nacasnimada…. Quruxdeena…. af-kartinimadayada…. aqligeena degdega ah

Meel kasta oo aan dunida ka joogno weli waxaynu haynaa dhammaan sifooyinkaas, hase ahatee waxa kale oo aynu xambaarsannahay xanuunka, khasaaraha aan la qiyaasi karin iyo ceebaha ku dhacay ummaddeenna oo ayna dhaxalsiisay dagaaladda sokeeye.

Waxaan halis ugu jirnaa inaan lumino shayga ugu qiimaha badan meelaha oo naga bogsiin kara oo horay noo sii wadi kara, kasoo ah: luqadda yada Soomaaliga ah.

Anigoo soo xiganaaya erayada basaxadda weeyn leh ee Falasuufka Jarmalka ahaa ee Martin Heiddeger oo yiri:

 “Qofka oo aan ka warqabin wacyiga uu ku sugan yahay Adduunka, waa qof lumay waxaana si  fudud  qof kale u hagi karaa meel kasta oo qofka hoggaaminayaa uu doono, xataa ilaa uu horseedo  dabargo’ isa qof ahaneed .”

A person without a consciousness of his Being in the World, is lost and can easily be guided by another to wherever the guide wants to take him, even to his own extinction